7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2024
Shir Muqdisho uga furmay Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee DFS iyo Dowlad Goboleedyada


Sabti, Luulyo, 13, 2024 (HOL) - Waxaa maanta shir uga furmay magaalada Muqdisho Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed, Guddiyadda heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee Shaqaalaha Rayidka.

Shirkaan ayaa diirada lagu saari doonaa dib- u- habeynta Maamulka Shaqaalaha Dowladda iyo horumarinta Maamulka Shaqada iyo shaqaalaha Dowladda labadeeda heer. Waxaa sidoo kale lagu gorfeyn doono horumarinta sharuucda iyo casriyeynta siyaasadda jaangoynta darajooyinka mushaaraadka shaqaalaha dowladda.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Cilmi Ibrahim ayaa sheegay in shirkaan uu muhiim u yahay dhisada iyo horumarinta xirfada iyo dib u habaynta Shaqaalaha Dowladda Labadooda heer. Wasiirka ayaa sidoo kale si gaar ah ugu mahadcelinayay mashruuca SERP ee xoogga saara Xoojinta Nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay sida muhiim u tahay wadashaqeynta iyo isku xirka Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada labada heer ee Dowladda iyo Guddiga Shaqaalaha Qaran ee Rayidka ee heer Federaal iyo heer dowlad Goboleedba.

Shirkaan ayaa waxa sidoo kale ka qeybgalaya Wasiirrada Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyeyaasha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee labada heer ee Dowladda. Shirkaan oo labo maalin ah ayaa la soo gabagabeyn doonaa maalinta berri ah iyadoo laga sooo saari doono War-murtiyeed.