7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2024
Madaxweyne Xasan Sheikh: Shabaab waxay isticmaalaan akoono dad shacab ah si ay canshuurta ugu qaataan
 

Sabti, Luulyo, 13, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Sheegay, in Al-Shabaab ay isku dayayaan in ay helaan dariiq kaste oo aan lagu xakameyn karin la socodka dhaq-dhaqaaqooda maaliyadeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay Alshabaab bilaabeen inay adeegsadaan akoono maaliyadeed oo ay leeyihiin shakhsiyaad ay qaraabo yihiin xubno kamid ah kooxda Alshabaab.

“Halka khiyaano oo uu isticmaalo qof Al-Shabaab ah, waa in uu u dhawaado qof qaraabo la ah oo aan ka shakinayn, si uu ugu boorriyo inuu furto xisaab bangi [mobile]. Qofka Akoonka leh ma hayo wax raad ah oo ku saabsan sida loo isticmaali doono Akoonka, “ ayuu yiri madaxweynaha Soonaaliya.

Milkiilayaasha Akoonnada Bangiyada ee Al-Shabaab ay canshuuraha kaga qaadaan goobaha ganacsiga ayuu madaxweynuhu sheegay in aysan la socon cidda isticmaasha xisaabaadka bangiyadaas.

Madaxweyne Xasan Sheikh waxa sheegay in nidaamka ilaalada isgaarsiinta Soomaaliya uu awood u siinayo ciidamada ammaanka inay ogaadaan qof kaste oo shacab ah oo ay lasoo xiriiraan dadka liiska madow ku jira ee xiriirka la leh Al-Shabaab.

Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA), ayaa waxay xog ku uruurisay taleefoonada ay adeegsadaan Ururka Al Shabaab, kuwaas oo ganacsatada ay ku bixiyaan lacagaha canshuuraha ah ee ay Shabaabku soo qaadaan.

NISA ayaa gacan ka heshay hay’ad weyn oo sirdoon oo reer galbeed ah si loo ogaado tirada guud ee nambarada teleefanada iyo xogta bangiyada dadka liiska madow ku jira si kor loogu qaado la socodka dhaqaaqooda maaliyadeed.