7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2024
Soomaaliya iyo Jabuuti oo maanta kala saxiixday heshiis iskaashi oo muhiim ah
 

Khamiis, Luulyo, 11, 2024 (HOL) - Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta dalka Jabuuti ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo lagu mataaneynayo wadashaqeynta warbaahinada Qaranka dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Daa'uud Aweys Jaamac iyo Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, boostada iyo Isgaarsiinya ee dalka Jabuuti Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda lagu saxiixayay heshiiskaan iskaashi ee dhexmaray labada dowladood.

Wasiir Daa'uud Aweys oo Munaasabadda heshiiska khudbad ka jeediyay ayaa dhankiisa heshiiskaan ku tilmaamay mid taariiqi ah oo wax badan ka badali doono hanaanka shaqo ee Warafaafinta labada dowladood.

Wasiirka Warfaafinta dalka Jabuuti Ridwaan Cabdullaahi ayaa dhankiisa soo dhaweeyay heshiiskaan Iskaashi oo uu sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin fulintiisa iyo iney khibrad is dhaafsi iyo wada shaqeyn la yeeshaan dhigooda Soomaaliya.

Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdifataax Daahir Jeyte iyo Agaasimaha guud ee Raadiyaha iyo Talefashinka dowlada Jabuuti Aadan Cabdi Jaamac ayaa iskaashigaan u kala saxiixay labada dowladood, waxaana sidoo kale goobjoog ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jabuuti Salaad Cali Jeelle iyo Danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Maxamed Rashiid.