7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2024
Xildhibaan Macalimow: $27,500 ayaa bil kaste laga jaraa mushaarka baarlamaanka mana jirto wax lagu qabtay
 

Khamiis, Luulyo, 11, 2024 (HOL) - Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimow oo katirsan golaha shacabka ee aqalka Hoose ayaa su’aal galiyay sida loo maamulo lacago bil kaste laga jaro xildhibaanada golaha shacabka, taasoo uu sheegay in aanay jirin wax lagu qabtay.

Xildhibaan Macalimow ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X, waxa uu ku sheegay, in la joogo waqtigii guddoonka baarlamaanka lagula xisaabtami lahaa halka ay ku baxdo lacag dhan $27,500, taasoo bil kaste laga jaro mushaarka xildhibaanada.

“Maadaama ay lacagtaasi socotay muddo ka badan labo sano wadarteedu waxa ay gaareysaa lacag buuran oo shacabka Soomaaliyeed ama Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wax ka dabooli karta. Guddoonka Baarlamaanka waxa la joogaa waqtigii lagula xisaabtami lahaa lacagahaas iyo kuwo kale oo Baarlamaanka loogu talagalay,”ayuu yiri  Macalimow

Macalimow waxaa uu sheegay in tubooyinka suuliga ee lagu faraxasho Xarunta Gollaha Shacabka oo intoodii hore ay waa hore burbureen aan xitaa dayactir laguma sameynin.

Wuxuu sheegay Hantidhowrka Guud in ay sugayso la xisaabtan inuu ku sameeyo sida dhaqaalahaas badan uu guddoonka baarlamaanku u maareeyo.