7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2024
Caruur Walaalo ah oo ku geeriyootay miino kula qaraxday deegaan ka tirsan gobolka Galgaduud
 

Khamiis, Luulyo, 11, 2024 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in sadax caruur oo walaalo ah ay ku geeriyoodeen miino kula qaraxday deegaan hoostaga magaalada Xeraale.

Miinada ayaa la sheegay in caruurta walaalaha ah ee geeriyootay ay ku cayaraayeen ka hor inta aysan la qarxin, waxaana caruurta ay kala ahayeen laba wiil iyo gabar oo midka ugu weyn da'diisa lagu sheegay lix sano jir.

Caruurta laba ka mid ah ayaa isla goobta ku geeriyooday, iyadoo mid ka kalana dhaawac culus looga qaaday goobta, hayeeshee isna saacado kadib ayuu ku dhintay isbitaalka magaalada Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Dhacdooyinka noocaan oo kale ah ayaa marar badan ka dhacay qeybo ka mid ah gudaha dalka, waxaana ku naf waayo dad u badan caruur iyo dad kale oo ay miinooyinkaan la qarxaan, halka sidoo kale ay dad badan ku naafoobaan qaraxyadaan miino.