7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2024
Madaxweynaha Kenya oo kala diray Golihiisa xukuumadda oo lagu eedeeyay tayo xumo
 

Khamiis, Luulyo, 11, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa maanta ah kala diray dhammaan golihiisa Wasiirada, wuxuuna ballan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad cusub oo tayo leh, kaddib toddobaadyo ay socdeen mudaaharaadyo ka dhashay canshuuro badan iyo maamul xumo.

Madaxweynaha Kenya oo khudbad ka jeediyay taleefishinka dalkaas, ayaa sidoo kale xil ka qaadis ku sameeyay xeer ilaaliyaha guud. Wuxuu sheegay in wasaaradaha ay maamuli doonaan xoghayahooda joogtada ah.

Ruto ayaa sheegay in tallaabadan uu qaaday ka dib markii uu dhageystay shacabka, isla markaana uu la tashi ka dib soo dhisi doono dowlad sal ballaaran.

Dalka Kenya ayaa waxaa ka socday saddex toddobaad oo rabshado ah oo ay dibad-baxayaal gudaha u galeen baarlamaanka 25-kii June kaddib markii la ansixiyay sharciga maaliyadda oo canshuur kordhin lagu sameeyay.

In ka badan 30 qof ayaa ku dhintay mudaaharaadyada, kuwaasoo ka dhashay baaqyo loogu baaqayay madaxweynaha inuu is casilo.