7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2024
Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho oo beenisay war lagu faafiyay baraha bulshada
 

Khamiis, Luulyo, 11, 2024 (HOL) - Dawladda Maraykanka ayaa meesha ka saartay warar sheegaya in ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer uu bogaadiyay heshiiska muranka dhaliyay ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, kaddib socdaal uu dhawaan ku tagay magaalada  Addis Ababa.

"Wararka ku saabsan hadal la sheegay in uu ka soo yeeray ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer ee ku saabsan heshiiska Somaliland iyo Ethiopia waa been," safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sidaas ku tiri bayaan lagu daabacay barta X.

Si kastaba ha ahaatee, warbixin maalmo ka hor lagu daabacay bogga The African Herald ayaa lagu sheegay, in danjiraha Maraykanka ee Geeska Afrika uu bogaadiyay dedaalka dublamaasiyadeed ee Madaxweyne Biixi.

Amb. Mike Hammer ayaa ku ammaanay madaxweyne Muuse Biixi doorka uu ku leeyahay horumarinta xasiloonida gobolka iyada oo loo marayo is-afgaradkii dhawaan dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia.

Maraykanka ayaa horey uga horyimid heshiiska dhinaca badda ee dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia, isagoo heshiiskaas ku tilmaamay inuu khatar ku yahay xasiloonida gobolka.