7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2024
EgyptAir oo todobaadkan si rasmi ah u bilaabaysa duulimaadyada Qaahira iyo Muqdisho
 

Khamiis, Luulyo, 11, 2024 (HOL) - Shirkadda duulimaadyada dalka Masar ee EgyptAir ayaa bilaabi doonta duulimaadkeedii ugu horeeyay ee Qaahira iyo Muqdisho maalinta Jimcaha ah ee todobadkan, taas oo loo arko tallaabo muhiim ah oo ku saabsan istaraatiijiyada shirkaddu isugu fidinayso Bariga Afrika.

Diyaarad nuuceedu tahay MS873 ayaa kasoo amba bixi doonto magaalada Qaahira saacaddu markay tahay 6:30 AM aroornimo ee waqtiga maxaliga ah, iyada oo ku hakan doonta Djibouti, ka hor inta aanay usii gudbin Muqdisho.

Shirkadda ayaa duullimaadyo labadii toddobaad mar ah ku sameyn doonta hab cusub, taasoo la sheegay inay kor u qaadeyso isku xirka Qaahira iyo Muqdisho iyo fududeynta xiriir dhaqaale ee ka dhexeeya Masar iyo Soomaaliya.

Go’aanka EgyptAir ee ah in uu duullimaadyo toos ah ku tagayo Muqdisho ayaa qayb ka ah dadaallo ballaaran oo ay ku doonayso in ay kor ugu qaaddo shabakadeeda socdaalka caalamiga ah.

Tallaabadan cusub ayaa la filayaa inay xoojiso xiriirka dhaqaale ee labada dal iyadoo la horumarinayo ganacsiga, dalxiiska, iyo fursadaha maalgashi ee Masar iyo Soomaaliya. Intaa waxaa dheer, waxay tallaabadan cusub kor uqaadi kartaa xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.