7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2024
Maryan Mukhtaar oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya oo loo doortay madaxweyne ku xigeenka Ururka Qareennada Ontario
 

Khamiis, Luulyo, 11, 2024 (HOL) - Maryan Mukhtaar oo ah haweeney asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, islamarkaasna ku nool dalka Canada, ayaa looo doortay madaxweyne ku xigeenka labaad ee Ururka Qareenada Ontaariyo ee dalka Canada.

Bisha Sebtember kowdeeda ee sanadkan 2024, ayay si rasmi ah xafiiskeeda uga shaqo bilaabi doontaa.

Maryan Mukhtaar waxay sheegtay in ay ka go'an tahay horumarinta maamulka caddaaladda iyo horumarinta helitaanka adeegyada sharciga, gaar ahaan wax ka qabashada khilaafaadka gobolka iyo dib u dhaca dacwadaha madaniga ah.

Maryan oo kamid ah qaxootigii Soomaaliyeed ee ka soo cararay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, waxay ku barbaartay Canada. Socdaalkeeda dhinaca sharciga, waxaa la sheegay inuu soo maray heerar kala duwan.

Labo jeer waxay ururka qareenada kasoo qabatay doorar muhiim ah, oo ay ku jiraan khasnajiga iyo guddoomiyaha maaliyadda. Waxay caan ku tahay sida ay ugu heellan tahay hufnaanta iyo ballaarinta helitaanka caddaaladda, iyo horumarinta dib u habeynta sharciga.

"Safarkayga aan ku noqonayo qareen, wuxuu si qoto dheer ugu qotomaa taageerada iyo fursadaha uu bixiyo Ururka Qareenada Ontario (OBA), kaas oo qiimeeya khibradaha kala duwan ee albaabada u furaya xubnaheeda," ayay tiri.

Maryan, waxa ay qibrad u leedahay dacwadaha ganacsiga, dacwadaha danta guud, sharciga shaqada, sharciga xuquuqda aadanaha, iyo sharciga maamulka.

Shaqadeedii ugu horraysay waxa ay ka bilaabatay xarun dacwadeed oo ku yaala magaalada Toronto.

OBA, waxaa uu matalaa ku dhawaad 17,000  oo xubnood oo isugu jira, qareeno, garsoorayaal, nootaayooyin, macalimiin sharci iyo arday sharciga barata.

Ururkan ayaa u dooda nidaamyada caddaaladda, ilaalinta sinnaanta xirfadda sharciga iyo ciribtirka takoorka.