7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2024
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo goordhaw Al-shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan Hiiraan
 

Khamiis, Luulyo, 11, 2024 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa goordhaw Ururka Al-shabaab kala wareegay deegaanada muhiim ah oo hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Deegaanada ciidamada is garabsanaya ay la wareegeen ayaa kala ah Buurweyn iyo Shaw oo ka mid ah saldhigyada ugu waa weyna ee kooxdu ku leedahay Galbeedka gobolka Hiiraan, hayeeshee lama soo warin khasaaro ka dhashay howlgalkaan.

Howlgalkaan ciidamadu kula wareegeen deegaanadaan ayaa ah mid daba socday weerar arbushaad ah oo ay Xalay ku qaaday kooxda degmada Jalalqasi ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada howlgalka kula wareegay Buurweyn iyo Shaw ayaa waxaa hoggaaminaayay gudoomiyaha degmada Jalalqasi Nuur Maxamed Absuge Nuur dheere ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka si buuxdo ula wareegeen labadaan deegaan.

Deegaanada Buurweyn iyo Shaw ayaa ah deegaano kooxdu ka talineysay in ka badan 10 sano, waxaana qabashada deegaanadaan ay suurta galineysa iney wiiqanto awoodii kooxdu ku laheyn Galbeedka gobolka Hiiraan.