7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 2 , 2024
Golaha Wadatashiga Qaran oo ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay ku xadgudubtay madax bannaanida Soomaaliya
 

Talaado, January, 2, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen  Golaha Wadatashiga oo ay ku midaysan yihiin, dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Baanadir.

Kulanka golaha wadatashiga oo ay si fogaan-arag ah uga qeyb galeen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, marka laga reebo Puntland, raysal wasaaraha, raysal wasaare ku xigeenka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa ahaa kulan jawaab looga bixinayay heshiiska is-afgaradka lagu sheegay ee dhexmaray Soomaaliland iyo Dawladda Itoobiya.

Heshiiskaas oo ahaa mid dowladda Ethiopia loogu ogolaaday inay isticmaasho qeybo kamid ah badda Soomaaliya, waxaana golaha wadatashigu heshiiskaas ku tilmaamay mid ku xadgudbaya madax bannaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Golaha Wadatashigu kulankooda kadib waxay soo saareen qodobadan.

1.Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu si cad uga soo horjeedaa xadgudubka Itoobiya ee gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

2.Goluhu wuxuu si buuxda u ayidayaa mowqifka iyo qaraarka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay arrinkan ka qaadatey iyo xeerka uu soo saarey BFS ee Burinta waxa lagu tilmaamay Is-Af-garad dhexmaray Maamulka Soomaaliland iyo Dowladda Itoobiya.

3.Goluhu wuxuu Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si buuxda ugu garabsiinayaa gudashada waajibaadkeeda Dastuuriga ah ee ku aaddan ilaalinta, dhowrista gobnimada, sharafka iyo midnimada dhuleed iyo dadeed ee dalkeena.

4.Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan (dal iyo dibadba) oo ay ugu horreeyaan dadka reer Soomaaliland in ay u midoobaan dhowrista gobnimada, madaxbannaanida iyo midnimada qaranimada Soomaaliyeed.

5. Ugu dambeyn, Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD, EAC iyo saaxiibbada kale ee caalamka inay garab istaagaan xaqqa Soomaaliya ee ilaalinta gobnimada iyo midnimadeeda dhuleed si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.