7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 2 , 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya kulan deg deg ah oo la isugu yeeray labada Aqal ee Baarlamaanka
 

Talaado, January, 2, 2024 (HOL) - Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Talaado ah kulan deg deg ah oo aan horay loo sii shaacin ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kulankaan deg dega ah ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeybgalaya madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka hor jeedin doona Xildhibaanada labada Aqal.

Xildhibaannada ayaa farriimo Xalay loo diray  lagu war galiyay iney kasoo qeyb galaan kulanka deg deg ah oo uu imaanayo madaxweyne Xasan Sheekh oo kulanka ka jeedin doono khudbad xasaasi ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa fadhigaan uga hadli doonaa heshiiska taabanaya Qaranimada Soomaaliya oo Shalay Addis Ababa ku gaareen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa u saxiixay dowladda Itoobiya in la siiyo oo adeegsadaan qeybo ka mid ah biyaha Soomaaliya, halka Raysal wasaaraha Itoobiya dhankiisa uu u balan qaaday Somaliland iney dowlad ahaan u aqoonsan doonaan.

Heshiiskaas ayaa waxaa si weyn uga falceliyay siyaasiyiinta iyo madaxdii hore ee dalka, kuwaas oo ku tilmaamay heshiiskaas mid xad gudub ku ah qaranimada Soomaaliya, islamarkaana loo baahan yahay in dowladda Federaalka talaabo deg deg ah ka qaadato arinkaas.

Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa sidoo kale kulan deg deg ah ka yeelanaya maanta heshiiska ay wada gaareen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, waxaana arintaas si weyn u hadal haayo shacabka Soomaaliyeed oo ka carooday talaabada Muuse Biixi uu qaaday.