7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 2 , 2024
Abshir Huruuse: “Ima soo dirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya

Talaado, January, 2, 2024 (HOL) -Wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Huruuse oo dhowaan xilkiisa iska casilay sii uu ugu tartamo xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada la filayo 8 bishan Jannaayo inay ka dhacdo Garoowe, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegis kasta oo la xiriirta inay taageerrayso Dawladda Federaalka.

Abshir Cumar Haruuse ayaa waxa uu sheegay inuu yahay shaqsi si qof ah u tartamaya oo aan qayb ka ahayn koox siyaasadeed iyo mid kale.

Huruuse,  ayaa sheegay inuu u tartamayo si loo helo Puntland isku filan, siyaasad ahaan xasilloon, isla markaana gundhig iyo aasaas adag u noqota Dawladda Federaalka Soomaaliya ,wuxuuna sheegay wax kasta oo ka dhaxeeya Puntland iyo Dawladda Federaalka oo u baahan in laga wada-hadlo inay tahay mas’uuliyad wadareed u baahan tallo-wadaag lagu celiyo waxgaradka iyo qaybaha bulshada Puntland.

“Si xal loogu helo doodaha federaalka oo ay ugu dambeyso midda wax ka beddelka Dastuurka, waxay u baahantahay inay wax walba hoos ka soo bilowdaan.. Puntland qaddiyadda u dambeysa ee dastuurka halka ay ka soo billaabatay goob-joog uma ahayn, matalaadna kuma lahayn, balse asalka Puntland mar walba ujeeddadeedu waxay ahayd iyadoo dastuur leh oo maamul leh inay Dawladda federaalka dhisantay, waxayna ahayd in si caamka ah Dastuurka la isugu eego.. Dawladda federaalkana ay tixgelin iyo mudnaansiiso maqaamka ay Puntland leedahay.” ayuu yiri isagoo uga hadlay waraysi uu bixiyay aragtidiisa wax ka beddelka Dastuurka.

Puntland, ayuu sheegay hadda inay hortaallo fursad cad oo nidaam ahaan dib loogu hagaajin karo, wuxuu sheegay siyaasadiisa uu ku doonayo hoggaaminta inay ku dhisantahay, wada-hadal, dhab-u heshiisiin, horumarinta hay’adaha Dawladda iyo nidaamka Dawladeed ee Puntland inuu noqdo mid leh adeeg bulsho iyo Dawladeed oo la daadejiyay.

“Puntland horumarka ka muuqda waa mid dabiici ah ay kasbeen maalgashiga ay ku sameeyeen shacabka Puntland.. Anniga waxaan aaminsanahay inay timaado xasillooni bulsho iyo mid amni, intaa markii ay dadku helaana canshuurta iyo dhakhliga ummadda gacantooda laga soo qaado ee usoo xarooda Dawladda uu noqdo mid bedqaba , luguna celiyo adeeg ahaan.” ayuu yiri, isagoo ballanqaaday marka uu xafiiska tagayo inuu soo bandhigi doono hantidiisa, si loo muujiyo daahfurnaan.

Abshir Huruuse, ayaa ka mid ah in ka badan 10 musharrax oo ku tartamaya xilka madaxweynaha Puntland, iyadoo tan iyo xalay uu qaaday waddo kale si xasillooni looga gudbo marxaladda kala guurka ah ee Puntland, wuxuuna kullamo lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida la qaatay musharrixiinta  diiddan hannaanka lagu soo xulay Baarlamaanka, taa oo horseeday xiisad horleh, isagoo hadda ballanqaaday haddii uu xilka uu u tartamayo ku guuleysto inuu ku hoggaamin doono Puntland nidaamka dimuquraadiyadda ee ay dad weynaha ku doonayaan hoggaanka, si meesha looga saaro khilaafka doorashada.