7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 2 , 2024
Madaxweyne Xasan Sheikh: Cid awood u leh inay bixiso cad kamid ah biyaha Somaaliya ma jiri karto

Talaado, January, 2, 2024 (HOL) -Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud oo khudbad u jeediyay labada aqal ee baarlamaanka, ayaa ku tilmaamay heshiiskii magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland mid aan waxba ka jirin oo kasoo horjeeda  Qaanuunka caalamiga ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin cid kamid ah Soomaaliya oo awood u leh inay bixiso cad kamid ah biyaha Somaaliya.

“Qaanuunka caalamiga ahi (International Law) ma ogola waxa kowdii January Addis Ababa ka dhacay. Waxay kaloo kasoo horjeedaan xeerarka dhaqanka ee caalamka ka jira (International Customary Law), sina dhaqan gal kuma noqon doono,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Shekh ayaa sidoo kale farriin u diray maamulka Somaliland, isagoo u sheegay in aysan dowladda Itoobiya siin karin aqoonso caalami ah idii.

“Walalaayaal, Itoobiya aqoonsi idiin ma hayso. Aqoonsi ayaan idin siinay hadday tiraahdana, aqoonsi jiro ma ahan. Wax kastoo jiray iyo tabasho kasta oo la qabay, ma goyn karto dhulka qaaraan bixinaynaa in la yiraahdo,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya inay fara galinta ka joojiso Soomaaliya. Wuxuu sheegay waxa kaliya ee Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhaxayn kara uu yahay in ay nabad kuwada noolaadaan.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay faragalin Itoobiya ay horey ugu sameysay Soomaaliya inay dhashay soo bixitaankii Alshabaab.