7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 2 , 2024
Xukuumadda Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay heshiiska dhinaca badda ee Itoobiya iyo Somaliland

Talaado, January, 2, 2024 (HOL) - Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag uga hortimid heshiiska dowladda Itoobiya ay ku sheegtay inay la gaartay Somaliland, kaasoo ku aaddanaa inay isticmaasho qeybo kamid ah badda Soomaaliya.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale, oo warbaahinta u akhrinayay bayaan kasoo baxay golaha xukuumadda, ayaa ku tilmaamay tallaabada ay dowladda Itoobiya qaadday mid gardarro ah oo halis galinaysa deris wanaaga, nabad kuwada noolaanshaha iyo xasiloonida gobolka.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya wuxuu sheegay, Dowladda Itoobiya inay xad gudub qaawan ku sameysay madax bannaanida, gobonimada, iyo midnimada Soomaaliya.

“Heshiiskaasi waa wax kama jiraan. Ma ahan mid ay aqbalayso dowladda federaalka Soomaaliya, mana lahan saldhig sharciyeed,” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda.

Xukuumadda Soomaaliya waxay uga digtay Itoobiya isku day kaste oo xadgudub ku ah madax bannaanida dalka, taasoo ay sheegtay inay uga jawaabayso waddo kaste oo sharci ah.

Waxay xukuumaddu ugu baaqday golaha amamanka, golaha Midowga Afrika, IGAD iyo jaamacadda Carabta, inay Itoobiya ku cadaadinayaan inay kusoo laabato xayndaabka sharuucda caalamiga ah.