7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 2 , 2024
Raysal Wasaare Xamse "Taako ka mid ah Barigeenna, Baddeenna iyo Cirkeena laguma soo xad gudbi karo”

Talaado, January, 2, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si adag uga hadlay heshiis dhexmaray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, kaasoo Itoobiya ay ku dooneyso dhul badeed ay Soomaaliya leedahay.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Fedaraalka aysan marnaba aqbali doonin in taako ka mid ah dhulkeeda lagu soo xadgudbo, islamarkaana ay ka go'an tahay difaaca dalka.

“Waxaa rabaa shacabka Soomaaliyeed u sheego inay is dajiyaan waxaan u xaqiijinaya iney naga go’an tahay difaaca dalka. Taako ka mid ah barigeenna, baddeenna iyo cirkeena laguma soo xad gudbi karo” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Raysal wasaaraha in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay iney u midoobaan difaacida iyo ka hortaga wax walba oo sharci daro ah.

“Waxaan awoodna oo hore usoo awoodnay in aan difaacno dalkeenna. Wax laga cabsado ma yaallo, waxaase rabna markaan in la midoobo oo waxkasta oo Soomaalida dhexdeeda ah laga tago oo aan difaacno dalkeena oo difaacno qarannimadeena iyo gobonimadeena. Dadka ku mashquulsan xilligaan waxyaabaha Soomaalida dhexdeeda ah ee macnaha badan laheyn waxaan leenahay xilligaan waa markii la midoobi lahaa ee halka meel la istaagi lahaa, oo waa markii hal dhinac loo jeesan lahaa oo dalka la difaaci lahaa” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Hadalkaan kasoo yeeray Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, kadib heshiis Shalay magaalada Addis Ababa ay ku wada gaareen madaxweynaha Somaliland iyo Raysal wasaaraha dalka Itoobiya, kaasoo si weyn uga soo horjeesteen madaxda qaranka, madaxdii hore iyo Shacabka Soomaaliyeed.