7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 2 , 2024
Xisbiga Waddani oo soo dhaweeyay aqoonsiga la sheegay in Itoobiya siinayso Somaliland
 

Talaado, January, 2, 2024 (HOL) - Xisbiga ugu wayn mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa soo dhaweeyay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, waxa uuna ku baaqay in la mariyo golaayasha sharci dajinta.

"Xisbiga Waddani waxa uu markasta ilaalinaya una taaganyahay madaxbannaanida Jamuuriyada Somaliland waxa uuna soo dhawaynayaa hadii uu jiro aqoonsiga Itoobiya iyo horumar kasta oo Somaliland danteeda ku salaysan" ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay xisbiga.

Waxa uu sheegay in xisbigu uu ka digayo waxkasta oo kala qaybsanaan ku keeni kara umada Somaliland, isla markaana uu sugayo heshiiska rasmiga ah ee ay gaadhi doonaan madaxa Somaliland iyo Itoobiya.

Sidookale xisbiga Waddani waxa uu ugu baaqay xukuumadu in ay hesiisyada caalamiga ah ee ay gasho ay mariso golayaasha sharci dajinta, si loo darso, danta Somaliland na looga dhex eego.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeeda xisbiga Waddani oo dhamaystiran:-