7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 2 , 2024
Garowe: Isimo iyo musharaxiin ku howlan in laga hortago in khilaafka doorashada isku beddelo colaad
 

Talaado, January, 2, 2024 (HOL) - Qaar kamid ah Isimmada Puntland iyo xubno kamid ah musharaxiinta madaxweynaha, ayaa magaalada Garowe ka wada dadaalo nabadeed oo ku aaddan in laga hortago colaad magaalada ka dhacda.

Dadaaladan ayaa yimid, ka dib markii ciidamada taabacsan mucaaradka hubaysan ay xalay ku dhawaaqeen dagaal, iyagoo dadweynaha magaalada Garowe deggen ugu baaqay inay isaga guuraan xaafadaha ku dhow madaxtooyada iyo baarlamaanka.

Dhinacyada ku howlan nabadda ayaa doonaya in khilaafka iyo tabashada lagu xalliyo si nabad ah, waxayna la kulmeen qaar kamid ah musharaxiinta, iyagoo ku booriyay in aan xalka lagu raadin xabbad iyo colaad.

Dhinacyadan ayaa aaminsan haddii xal la waayo in doorashada la galo, laguna kalsoonaado xildhibaanada lasoo xulay, kuwaas oo qeyb kamid ah musharraxiinta ay ku eedeynayaan inuu madaxweyne Deni boobay.

Dad badan ayaa xalay magaalada Garowe ka barakacay, iyagoo ka cabsanaya in dushooda ay xabbada ka bilaabato. Waxaana qaar kamida  dadweynaha magaalada Garowe xalay taleefoonadooda ugu dhacay farriimo digniin ah.

Ciidamo ka kala tirsan mucaaradka iyo maamulka ayaa haatan isku horfadhiya qeybo kamid ah magaalada gudaheeda, kuwaas oo laga cabsi qabo in saacad kaste ay isku dhacaan.

Sidoo kale waxaa magaalada lasoo galiyay ciidamo kala duwan oo ay dal badeen mucaaradka iyo madaxweyne Deni.