7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 16, 2024
Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday ineysan ka qeyb gali karin shirka deg dega ah ee madaxda IGAD
 

Talaado, January, 16, 2024 (HOL) - Iyadoo hal maalin oo kaliya ay ka harsan tahay waqtiga loo iclaamiyay shir ay isugu imaanayaan madaxda dalalka IGAD oo ka dhacaya dalka Uganda ayaa dowladda Itoobiya ay ka cudur daaratay ka qeybgalka shirkaas.

Shirkaan oo uu dhawaan Iclaamiyay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ah mid looga hadlayo heshiiskii muranka badan dhaliyay ee bilowgii bishaan Adis Ababa ku dhexmaray raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Itoobiya ayaa warqad ay u dirtay IGAD kaga gaabsatay ka qeyb galka shirkaas, iyadoo sheegatay iney howlo kale ku mashquulsan yihiin, islamarkaana dib loogu dhigo shirka.

Warkaan kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa  kusoo beegmaya, iyadoo Itoobiya ay wajaheyso weji gabax diblumaasiyadeed oo ku qasbaya iney ka dhuumato fagaarayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, wixii ka dambeehay heshiiskii dhawaan ay la gashay Somaliland ee ahaa iney hesho 20KM oo ka mid ah biyaha Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Warka kasoo baxay Wasaaaradda arrimaha Dibadda Itoobiya:-