7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 16, 2024
Puntland oo ciidamo la dagaalama kooxaha burcad badeedda geysay degaanada xeebaha

Talaado, January, 16, 2024 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa ciidamo geeeyay magaalooyinka kuyaala dhulka xeebaha,  si ay uga hortagaan kooxaha burcad badeedda Soomaalida, kuwaas oo dib u bilaabay qafaalashada maraakiibta iyo doonyaha ganacsiga.

Ciidamadan ayaa loogu talo galay in aanay u ogolaan in burcad badeeddu ay fariisimo ka dhigtaan degaanada xeebaha ayna halkaas ka abaabulaan weerarada lagu dhibaataynayo maraakiibta iyo doonyaha isticmaala xeebaha degaanada Puntland.

Sarkaal katirsan ciidankan ayaa warbaahinta u sheegay in odayaasha dhaqanka ay saxeexeen in qofkii lagu dilo burcad badeednino aan la isku qabsoon doonin, wuxuuna sheegay inay burcad badeedda ku weerarayaan meel kaste oo ay ku sugan yihiin oo kamid ah Puntland.

Ciidamada ayaa saldhigoodu yahay magaalo xeebeedda Garacad, iyagoo  bilaabay roondooyin lagu xaqiijinayo amniga xeebaha, iyagoo ka hortagaya in maraakiibta lasoo qafaasho lagusoo xiro xeebaha Puntland.

Sanadkii 2007 ayay ahayd markii ugu horraysay oo ay xeebaha Puntland ka bilowdeen weerarada burcad badeedda, taasoo saamayn weyn ku yeelatay nabad galyada Puntland.

Haatan, dhowr Markab ayaa lagu haystaa xeebaha Puntland, kuwaas oo burcad badeeddu rabaan inay ka qaataan lacago madax furasho.