7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 16, 2024
Maxkamad kutaala Turkiga oo xukun ku riday wiilka madaxweynaha Soomaaliya
 

Talaado, January, 16, 2024 (HOL) - Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa maanta oo Talaado ah ku xukuntay labo sano oo xarig ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo lagu eedeeyay inuu shil gaari ku dilay darawal mooto.

Si kastaba ha ahaatee, xukunka ayaa isla markiiba loo beddelay ganaax lacageed oo dhan 27,300 oo lacagta Turkiga ah oo u dhiganta $900, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Turkiga.

Maxamed Xasan Sheikh Maxamuud ayaa la sheegay in uu todobaadkii hore ku laabtay dalka Turkiga si uu u hortago maxkamadaynta kiiskiisa. Balse xilliga uu xukunka dhacayay ma uusan joogin maxkamadda gudaheeda.

Xeer Ilaaliyaha ayaa doonayay in wiilka madaxweynaha Soomaaliya lagu xukumo ilaa lix sano oo xarig ah.

Hase ahaatee, xukunka xabsiga oo loo beddelo ganaax lacageed ayaa xilliyada qaar ka dhaca nidaamka garsoorka Turkiga.

Sidoo kale, maxkmaadda ayaa shatigiisii wadista baabuurta ee Turkiga kala noqotay muddo lix bilood ah.