7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 16, 2024
Maraykanka oo weli baadi goobaya labo badmaax oo lagu la’yahay xeebaha Soomaaliya
 

Talaado, January, 16, 2024 (HOL) - Waxaa socda hawlgalo baadi goob iyo samatabixin ah oo lagu baadigoobayo laba badmaax oo ka tirsan ciidamada badda ee Maraykanka kuwaas oo lagu waayey meel u dhow xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegeen milatariga Maraykanka Jimcihii.

Labada badmaax ayaa la sheegay in la la’yahay illaa habeenimadii Khamiista ee todobaadkii hore, xilli ay howlgalo ka sameynayeen xeebaha Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay taliska dhexe ee Mareykanka ee (CENTCOM).

Milatariga dowladda Maraykanka waxa uu diiday in uu bixiyo tafaasiil dheeraad ah, oo ay ku jiraan aqoonsiga badmaaxiinta, si loo ilaaliyo macluumaadka xasaasiga ah ee raggan ilaa hawlgalka la dhamaystiro.

“Maqribnimadii 11-kii Janaayo, labo badmaax oo ka tirsan ciidamada badda ee Mareykanka ayaa la sheegay in lagu waayay badda, xilli ay howlgallo ka wadeen xeebaha Soomaaliya. Hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta ayaa hadda socda si loo helo labada badmaax," CENTCOM ayaa tiri.

Badmaaxiinta maqan ayaa katirsanaa Ciidanka Badda ee Mareykanka, kuwaas oo ka howlgala gobolka Bariga dhexe.