7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 16, 2024
Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Talaado, January, 16, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo jugtiisa si weyn looga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu yahay mid Ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qaraxa, kaasoo isku qarxiyay albaabka dambe ee xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaan Ismiidaaminta ah, waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay gaaray qaar ka mid ah gaadiidka gurmadka deg dega ah.

Qaraxaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Magaalada Muqdisho maalmahii lasoo dhaafay ay ka caaganeyd qaraxyada noocaan oo kale ah, kadib markii ciidamada dowladda ay kordhiyeen howlgalada ay ku xaqiijiyaan amaanka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Halkaan kala soco wixii kusoo kordha wararkan.