7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 16, 2024
Dowladda Jabuuti oo ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya
 

Talaado, January, 16, 2024 (HOL) - Dowladda Jabuuti oo ka mid ah dalalka ciidamada nabad ilaalinta ay ka joogaan Soomaaliya ayaa ciidan cusub oo xoojinaya ciidamadii horay uga joogay Soomaaliya u soo dirtay.

Ciidamadaan cusub ayaa ah kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya kala qeyb qaadanaya xoojinta amniga, la dagaalanka Ururka Al-shabaab iyo waliba Kordhinta wadashaqaynta ka dhaxaysa labada ciidan xili uu dalka ka bilaaban rabo dhawaan wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Shabaab.

Jeneraal Sakariye Sheekh Ibraahin oo ah taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Jabuuti oo ka hadlayay munaasabad lagu soo sagootinaayay ciidankan ayaa kula dardarmay iney si hufan u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Taliye Sakariye ayaa sidoo kale u sheegay ciidanka in xaqiijinta amniga Soomaaliya inuu uga dhigan xoojinta amniga sida dowladda Jabuuti oo kale, maadaama labada dowladood iyo dadkooda walaalaha ah midba midka kale uu la damqanayo dhibaatooyinka soo gaara.

“Ciidanka halkaan jooga oo ah dufcadii 11aad ee gurmad u taga Soomaaliya sharaf wayn ayay inoo tahay in aan u gurmano walaalaheen dhibaatadu qabatay, Soomaaliya wax badan ayay inoo qabatay kolkii aan u dagaalamay xornimada waxaana ugu abaalgudnay in aan dhiiggeena u shubno, waxa aan la hadlayaa ciidamada iyo saraakiisha oo aan leeyahay sharaf muujiya oo guul iyo sharaf la taga” ayuu yiri Jenaraal. Sakariye Sheekh Ibraahim.

Jenaraal Sakariye ayaa sidoo kale xusay in abaalka dowladda Jabuuti ay u hayso Soomaaliya uu yahay mid aan la soo koobi karin, hayeshee maanta oo ay garab ugu baahan tahay Soomaaliya ineysan meel cidlo ah uga tagi doonin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Gabagabadii ciidamada Jabuuti ka jooga gudaha Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS ayaa loo yaqaana magaca Hiil Walaal oo ay ula baxeen dadka reer Hiiraan, waxayna ka howlgalaan magaalooyinka Baledweyne, Buula burte iyo Jalalaqsi oo ka wada ka tirsan gobolka Hiiraan.