7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 16, 2024
Faahfaahin: Saddex qof oo ku geeriyooday qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Xamarweyne

Talaado, January, 16, 2024 (HOL) - Ugu yaraan 3 qof ayaa ku geeriyooday, labo qofna way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay maqaayadda Alhindi oo kutaala degmada Xamarweyne.

War kasoo baxay ciidanka booliiska ayaa lagu sheegay in qof naftii halliga ah oo ay eryanayeen ciidamada amniga ee dowladda uu isku qarxiyay bannaanka hore ee maqaayada AlHindi.

Booliiska ayaa sheegay in goobta ay wax ka dhacayn uu ka socdo baaritaan dhawaana la bixin doono faah faahin dhammeystiran.

Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan, iyagoo sheegay in ay la beegsadeen goob ay ku sugnaayeen saraakiil ciidan oo katirsan nabad sugidda iyo xubno kamid ah shaqaalaha wasaaradaha ee dowladda.

Qarax sidaan oo kale ka dhacay maqaayadan sanadkii 2016 ayaa waxaa ku geeriyooday 5 qof, kadib markii gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu beegsaday.

Alhindi, waa maqaaxi caan ah oo kutaala degmada Xamar Wayne, taasoo dadku isugu yimaadaan, marar badanna waxaa halkaas taga askarta ciidanka dowladda .