7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 16, 2024
Itoobiya oo sheegtay in dowladaha gobolku ay ka warqabeen heshiiska ay Somaliland la gashay
 

Talaado, January, 16, 2024 (HOL) - Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in dowladaha gobolku gaar ahaan kuwa Bariga Afrika ay ka warqabeen isfahamka ay la gashay Somaliland kahor inta aan la saxeexin kowdii bishan.

Lataliyaha Amaanka ee Raysal Wasaare Abiye Axmed Redwan Xuseen, ayaa sida Addis Standard qortay sheegay in kahor intii aan heshiiska la gaadhin ay bishii October dubulumaasiyiin u direen waddamada Bariga Afrika, si loola wadaago is fahamka Somaliland iyo dalkiisa ka hor intii aan la saxeexin.

Redwan Xuseen waxa uu sheegay intaa wixii ka danbeeyay in ay waddamada gobolku ka warqabeen heshiiska, waxa uu yidhi "Waxa kali ah ee waddamada gobolku anay ka warhayn waxa uu ahaa aqoonsiga Somaliland, saamiga diyaarada ee aanu bixinayno, iyo marka uu Madaxweyne Biixi iman doono".

Redwan Xuseen waxa uu sheegay in Somaliland ay siisay saldhig millateri taa badalkeedana ay Somaliland u aqoonsanayaan dal madaxbannaan.

Xafiiskii Somaliland ee Itoobiya oo awal la odhanjiray Mishanka Somaliland ee Itoobiya iyo Midowga Afrika, ayaa hada loo badalay Safaarada Somaliland ee Itoobiya, sida uu baahiyay wakiil ku xigeenka Somaliland ee Itoobiya.

Dowlada Soomaaliya ayaa iyadu aad uga soo horjeedsatay isfahamka dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo ku macnaysay madaxbannaanideedii oo lagu soo xadgudbay, waxayna sheegtay in anay marnaba aqbali doonin in heshiiskani uu fulo.

Dhinaca kale, Somaliland oo 33 sanno kahor si hal dhinac ah uga noqotay midowgii salka u ahaa Jamhuuriyadii Soomaalida, isla markaana aqoonsi raadinaysay muddo dheer ayaa is afgaradkan u aragta mid muhiim u ah qadiyadeeda.