6/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 1 , 2024
Xukuumadda Soomaaliya oo shir degdeg ka yeelanaysa heshiiska dhinaca badda ee Somaliland iyo Itoobiya

Isniin, January, 1, 2024 (HOL) - Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa berri shir degdeg ah la isugu yeeray, si go’aan looga soo saaro heshiis ku dhexmaray magaalada Addis Ababa dowlada Itoobiya iyo Somaliland.

Saacadihii lasoo dhaafay warbaahinta waxaa hareeyeeyay heshiiska dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, kaasoo ku aaddan in Somaliland ay badda ka siinayso meel ay degaan ciidanka Itoobiya halka sida uu sheegay Biixi ay Itoobiyana noqonayso dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada madax bannaanida Somaliland.

Raysal wasaaraha Soomaaliya oo isugu yeeray golaha wasiiradda ayaa la filayaa inay xukuumaddu mowqif adag ka istaagto heshiiskaan, oo dowladdu aaminsan tahay inuu xad gudub ku yahay qaranimada iyo madax bannaanida Soomaaliya, marka loo eego sharciga caalamiga ah (International Law).

Wuxuu kusoo aaday iyadoo Itoobiya ay horey u sheegtay in aanay kusii jiri karin bad la’aan.

Heshiiskaan ayaa fal celin ballaaran ku dhex yeeshay baraha bulshada, waxaana aad ugasoo horjeestay siyaasiyiin badan oo Soomaaliyeed oo qaarkood madax kasoo noqday Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa waxaa wada saxiixday Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo tan iyo Axadii booqasho ku joogay dalka Itoobiya.