7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 1 , 2024
Duqeyn lagu dilay 46 ka mid ah Al-shabaab oo ka dhacday Koonfurta gobolka Mudug
 

Isniin, January, 1, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo culus oo ka dhacay deegaano ka tirsan Koonfurta gobolka Mudug, taasoo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxibada caalamka.

Duqeyntan ayaa Xalay saqdii dhaxe ka dhacday duuleedka deegaanka Jeex jeexa oo ay isku aruursanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo halkaas tiro badan looga dilay.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Macawisleeyda ee ka barbar dagaalama ciidanka dowladda Fedaraalka oo lagu magacaabo Cabdicasiis Qoobey ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in duqeynta lagu dilay 46 ka mid ah Ururka Al-shabaab.

"Howlgalku wuxuu ka dhacay meel ay Khawaarijta isku uruursanaayeen, laakiin ciidamada aysan u dhoweyn meeshaas oo ku taala koonfurta deegaanka Jeex jeexa. Goobta waxa ay ahayd saldhig kooxda Khawaarijta ka difaaceysay Jeex jeexa hadda kuma sugna ciidamada dowladda, wali waxaa jooga Khawaarijta” ayuu yiri Cabdicasiis Qoobeey.

Duqeyntaan ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo deegaanka Jeex jeexa iyo deegaano kale oo ka tirsan Koonfurta gobolka Mudug ay ka socdaan dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay howlgalo cir iyo dhul ah oo lagu beegsanayo kooxda Al-shabaab ee ku sugan deegaanadaas.