7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 1 , 2024
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo qeexay qorshayaasha xukuumaddiisa u yaalla ee Sanadkan 2024
 

Isniin, January, 1, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumaddiisa sannadkii tagay ee 2023, iyo qorshayaasha in la qabto u baahan ee horyaalla xukuumaddiisa sannadkan 2024.

Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa uu ugu horreyn ka hadlay sannadkii tagay ee 2023 iyo waxyaabihii u muhiimsanaa ee xukuumaddiisu qabatay sida Amniga, Xasiloonida, Xuquuqda Aasaasiga ah ee Muwaadiniinta iyo qodobo kale, isagoo xusay in wax badan laga qabtay dhinaca Nabadgalyada, iyo waxyaabo badan oo Aasaasi u ah nolosha muwaadiniinta.

Waxa kale oo Madaxweyne Mustafe Cagjar xusay in sannadkii tagay ee 2023 natiijo fiican laga gaaray dhinaca qorshayaasha hormarineed ee Miyi iyo Magaalaba, " Waxaa kobcay ganacsigii iyo maalgashigii. Waxaa si wayn kor loogu qaaday dakhligii. Waxaa la xoojiyay isla xisaabtanka hay’adaha ku salaysan" ayuu yiri Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Dhinaca Waxbarashada waxa uu Madaxweyne Mustafe Cagjar sheegay in la dardar galiyay howlaha Waxbarashada, isla markaana wax laga qabtay Qishka Ardayda ee dhinaca Imtixaanaadka,  Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa uu qiray in natiijooyin fiican aan laga gaarin dhinaca Waxbarashada maadaama Ardaydu ay dhibco aad u hooseysa doorkan keeneen, haddana waxa uu Mustafe Cagjar sheegay in rajo laga qabo inay wax hagaagi doonaan, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynuhu.

Ugu dambayn, Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa uu sheegay in sannadkan cusub ee 2024 howlaha xukuumaddiisa u yaalla ay kamid yihiin sidii loo xoojin lahaa qorshayaashii horey u socday, sida Waxbarashada, Horumarinta Magaalooyinka, Waxsoosaarka, Maalgashiga, iyo waliba xoojinta howlaha dhinaca Nabadgalyada iyo Cadaaladda, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar.