7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 1 , 2024
Xulka gobolka Banaadir oo Galabta guul muhiim ah ka gaaray dhigooda Koonfur Galbeed


Isniin, January, 1, 2024 (HOL) - Waxaa goordhaw soo idlaaday ciyaar xiiso badan oo garoonka Kubadda Cagta Stadium Muqdisho ku dhexmartay Xulalka Kubadda Cagta gobolka Banaadir iyo Koonfur Galbeed kulan ka tirsan koobka dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Kulankaan oo ahaa kii labaad ee tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa kusoo dhamaaday 1-0 oo ay guusha ku raacday xulka gobolka Banaadir.

Halka gool oo ay guusha ku raacday xulka gobolka Banaadir waxaa dhaliyay ciyaarahaanka lagu magacaabo Khaalid, kaasoo dhaliyey goolka qeybtii labaad ee ciyaarta daqiiqaddii 53-aad.

Kulankaan ayaa waxaa u soo daawasho tagay boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo kala taageerayay labada xul ee Banaadir iyo Koonfur galbeed.

Tartankaan oo furmay Jimcihii lasoo dhaafay  ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay hakad ku jiray, waxaana kulankii ugu horeeyay tartankan lagu soo furay xulalka Galmudug iyo Hirshabeelle oo kusoo kala baxay barbar dhac gool iyo gool ah.

Maalinta berrito ah waxaa wada ciyaari doona  kooxa kala ah Jubbaland iyo Galmudug, waxaana Jubbaland ay u noqoneysa kulankii koowo, halka Galmudug ay u tahay kulankii labaad.

Dhinaca kala sarreynta waxaa hoggaaminaya xulka gobolka Banaadir oo 3 dhibac leh, halka Galmudug iyo Hirshabeelle ay wada leeyihiin mid hal dhibac, iyadoo Koonfur Galbeed aysan haysan wax dhibic ah.