7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 1 , 2024
Musharraxiinta Puntland oo ku dhawaaqay in aanay aqoonsanayn liiska baarlamaanka ee la shaaciyay
 

Isniin, January, 1, 2024 (HOL) - Musharaxiinta madaxweynaha Puntland ayaa si adag uga horyimid liiska xildhibaanada baarlamaanka oo ay soo gudbiyeen guddiga xallinta khilaafadka iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka.

Bayaan ay soo saareen musharaxiinta ayaa waxay sheegeen in liiskaan uu yahay liis been abuur ah oo uu jeebkiisa kala yimid madaxweyne Deni.  

Waxay sheegeen in aanay haysan wax sharciyad ah sida uu horey u sheegay guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka, kaas oo isaga baxay guddiga markii uu sheegay in madaxtooyada ay ku cadaadisay inay qaataan liis ay la timid.

Musharaxiintu waxay mar kale madaxweyne Deni uga digeen inuu Puntland u horseedo burbur iyo xasilooni darro siyaasadeed, islamarkaana waxay sheegeen inuu isagu qaadi doono masuuliyadda ka dhalata boobka xildhibaanada.

Bayaanka musharaxiinta ayaa yimid, iyadoo si rasmi ah loo dhaariyay ku dhawaad 60 kamid ah xildhibaanada, kuwaas oo guddoomiye kumeel gaar ah u doortay  xildhibaan Xasan Cabdalla Xasan.

Dhinaca kalena, ciidamo taabacsan musharaxiinta ayaa xirtay qeybo kamid ah magaalada Garowe, iyadoo laga cabsi qabo inuu dagaal dhaco haddii aanu xal degdeg ah laga gaarin khilaafka haatan taagan.

Sidoo kale, ciidamo ku sugnaa gobolka Sool oo ka amar qaadanayay musharaxiinta ayaa xogtooda helnay inay kasoo baxeen jiidaha dagaalka ee gobolka Sool, waxayna ku wajahan yihiin Garowe.