7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 1 , 2024
Liiska baarlamaanka cusub ee Puntland oo si rasmi ah loo shaaciyay
 

Isniin, January, 1, 2024 (HOL) - Liiska xubnaha Baarlamaanka cusub ee Puntland ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay, waxaana ku jira 17-ka xubnood ee kasoo jeeda degaanada SSC- Khaatumo.

Liiska baarlamaanka ayaa lagu dhawaaqay xilli dambe oo salaaddii subax kadib ahayd, ka dib khilaaf badan oo hareeyeeyay habka loosoo xulay xubnaha oo uu  khilaaf ka taagnaa.

Lama oga in ay musharraxiinta kasoo horjeesan doonaan xubnaha baarlamaanka ee la shaaciyay, iyagoo xalay sheegay in madaxwene Deni uu faro galin ba’an ku sameeyay kuraasta ay beeluhu soo xusheen, sheegayna inuu liiska ka saaray xildhibaano ay beeluhu soo xusheen.

Waxaa xildhibaanada kasoo muuqday xildhibaan Faarax Yuusuf Jaamac Dalmar, oo ah maxbuus gacanta ugu jira Soomaaliland, laguna qabtay dagaaladii ka dhacay gobolka Sool sanadkii hore.