7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 1 , 2024
Ciidamada dowladda oo gacanta ku dhigay rag ka tirsan Al-shabaab oo miino aasayay
 

Isniin, January, 1, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa dadka deegaanka ee howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-sbabaab ka wada deegaanada dhaca Koonfurta gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay rag ka tirsan Shabaab oo ku howlana aasida qaraxyo mino.

Ragaan ka tirsan Al-shabaab oo ah laba nin oo dhalinyaro ah ayaa ciidamada iskaashanaya ku qabteen meel u dhaw magaalada Caad oo la sheegay iney ku aasayeen wadooyinka qaar qaraxyo miino.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka deegaanka Ceelhuur Maxamed Aadan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ragaan la qabtay haatan lagu wado baaritaan dheeraad ah, islamarkaana la horkeeni doono Cadaaladda.

"Nimanka la qabtay waxay kasoo tagi jireen Jeex jeexa waxay miinooyinka usoo qaadi jireen waddada soo aada magaalada Caad, Laba nin ayay ahaayeen oo qarax dhigayay, waxaan qabanay iyaga oo jidka waardiye ka haayo” ayuu yir guddoomiye Maxamed Aadan.

Deegaanada ku yaala Koofurta gobolka Mudug ee maamul goboleedka Galmudug waxaa si xowli ah uga socday maalmahii lasoo dhaafay howlgalada ka dhanka ah Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan deegaanada gobolkaas.