7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 1 , 2024
Somaliland iyo Itoobiya oo heshiis isfaham ah ku kala saxeexday Addis Ababa
 

Isniin, January, 1, 2024 (HOL) - Raysal Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland oo isfaham heshiis iskaashi kala saxeexday, ayaa ku heshiiyay in Somaliland ay Itoobiya u ogolaato in saldhig ciidan laga siiyo badda Somaliland, Itoobiyana ay Somaliland aqoonsato.

Madaxdweyne Biixi oo hadal ka jeediyay xaflada heshiiska, ayaa sheegay in Somaliland ay Itoobiya ka kiraynayso qayb kamid ah baddeeda, isla markaana ay Itoobiya aqoonsanayso Somaliland.

"Waxa noo farxad ah sida heshiiska ku qoran, in anaguna aanu u ogolaano 20 kilomitir oo ciidankooda badu dagaan, ay iyaguna isla markiiba ina aqoonsadaan sida heshiiska ku qoran, oo ay noqon doonaan dowladii ugu horaysay ee aqoonsata qaranka Somaliland marka la saxeexo heshiiska"

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in 20 ka killomitir ee ciidamada Itoobiya ay dagi doonaan ay yihiin kiro, ee Itoobiya anay bilaash ku daganaynin, waxaanu sheegay in Itoobiya ay iska kaashan doonaan waxkasta, isla markaana ay labada dhinac iska kaashan doonaan horumarka.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Berbera ay kamid noqondoonto dekedaha ay Itoobiya soo mariso qayb kamid ah badeecooyinka ay dibada kala soo dagayso.

Dhinaca kale, qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in heshiisku uu noqonayo mid Itoobiya ku hesho bad kale oo ay istimaasho, iyo in dhinacyadu iska kaashadaan dhinacyada siyaasada, dibulimaasiyada, iyo ganacsiga.