8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2024
Cabdiraxmaan Cirro: Soomaaliya waxay weerar qaawan kusoo qaaday Somaliland dal iyo dad-ba
 

Axad, Agoosto, 25, 2024 (HOL) - Musharaxa xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa go'aanka ay dowlada Soomaaliya shirkadaha ganacsiga kaga joojinayso isticmaalka magaca Somaliland ku tilmaamay 'Weerar qaawan'.

Cirro waxa uu sheegay in madax-bannaaninida & goonni-isu-taaga Somaliland uu yahay go’aan shacab oo ku dhisan doonista shacabka oo aan ka noqosho lahayn isla markaana,  dhammaan siyaasiyiinta, xisbiyada iyo ururrada  ay siyaasaddoodu tahay mid ka turjumaysa doonista shacbiga.

Go'aankii ay dowlada Somaliland kusoo saartay joojinta isticmaalka magaca Somaliland ee shirkadaha ganacsiga, ayuu ku tilmaamay mid nac iyo xumo abuuraya, iyo weerar lagu soo qaaday shacabka Somaliland.

"Xukuumadda maanta ka jirta Soomaaliya, waxa ay beryahan dambe duullaan qaawan ku soo qaaddaan ummadda reer Somaliland, dal iyo dad ahaanba iyaga oo isku dayaya inay beeraan nac iyo cunfi. dalka Jamhuuriyadda Somaliland & dadkiisu waraaqo la soo saaro iyo erayo meel laga yidhaahdo midna ka joojin maayaan in ay aayahooda iyo masiirkooda meel mariyaan" ayuu yidhi Cirro.

Waxa uu sheegay in Somaliland ayna dib noqon doonin,  isla markaana ay shacabku cudud iyo caqli ku ilaashanayaan. Cirro oo ka jawaabaya eedayntii Wasiir Buuni uu ku sheegay in Waddani uu xidhiidh la leeyahay Soomaaliya, ayaa sheegay in wasiirku uu yahay siyaasi aan xilkas ahayn oo shacabka kala qaybinaya.

"Reer Somaliland-ow, annigu waxa aan ahay murashax madaxweyne oo u taagan wada-jirka ummadiisa, korna u qaadaya is-ahaanshahooda, wax wada lahaanshahooda iyo walaalnimadooda, si weynna ula dagaalamaya siyaasadda duugowday ee ‘qeybi oo xukun-ka’ ku dhisan" ayuu yidhi Cirro.

Ugu danbayn, waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay isku duubni iyo walaalnimo, isaga oo xukuumada ugu baaqay in ay kala garato xifaaltanka siyaasada iyo difaaca Somaliland.