8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2024
Hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye "Nabadda lama baryo, shan farood iyo calaacal ayaa lagu keensadaa"
 

Axad, Agoosto, 25, 2024 (HOL) - Hoggaamiyaha maamulka ku meel gaarka ee SSC Khaatumo oo kula hadlayay boqolaal ka tirsan ciidamada SSC Khaatumo jiida hore  deegaanka Gumeys ee gobolka Sool ayaa sheegay in ciidamada Khaatumo ay haatan ka awood badan yihiin sidii ay ahayeen sanad ka hor markii ay la dagaalamayeen ciidanka Somaliland.

Hoggaamiye Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa sheegay in ciidamada SSC Khaatumo ay u taagan yihiin difaaca deegaanada Khaatumo iyo ilaalinta midnimada iyo wadajirka Shacabka Soomaaliyeed.

“Ciidankeennu sanad kahor iyo maanta wuxuu awood badan yahay maanta, waxa uu tayo roon yahay maanta, waxa uu tiro badan yahay maanta, waxa maanta barbar taagan ummadda Soomaaliyeed ee midnimada jecel dhammaantood, waxaynu difaacayno waa dalkeenna iyo dadkeenna inaan dhibaato dambe loo geysan iyo midnimada iyo wadajir ka qaranka Soomaaliyeed” ayuu yiri Hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in marnaba aysan ka tanaasuli doonin qadiyadda iyo difaacida deegaanada SSC Khaatumo oo u xusay in dad badan ay u dhinteen difaaca Khaatumo, kadib dagaal qaatay mudo sideed bilood ah oo ugu dambeyn looga adkaaday Somaliland sanadkii lasoo dhaafay.

"Maanta oo ah maalintii aad guulaysateen, hadaanu idiin iman wayno oo idin oran wayno ciidankayagoow mahadsanidiin, maanu gudin abaalkiina. Nabadda lama baryo, shan farood iyo calaacal ayaa lagu keensadaa, nabadda geyiga ka hana qaadayna ciidankayagoow idinkaa dhaliyey" ayuu yiri Cabdulqaadir Firdhiye.