8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2024
Xisbiga Waddani: Go'aamada Soomaaliya waxay abuurayaan colaad iyo cadaawad
 

Axad, Agoosto, 25, 2024 (HOL) - Xisbiga Waddani ayaa cambaareeyay go'aankii ay dowlada Soomaaliya shalay amarka joojinta isticmaaalka magaca Somaliland ku dul dhigtay xawaaladaha lacagaha.

Xogeeyaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, oo warbaahinta Hargaysa kula hadlay, ayaa sheegay in go'aamada dowlada Soomaaliya anay waxba ka badali doonin qadiyada Somaliland.

"Somaliland kumay iman sheeko iyo waraaqo la qoro, ee dhiig iyo xinjiro cas cas ayay ku qotontaa, hadana hadii loo baahdo diyaar ayaa loolayahay in lagu ilaaliyo, Somaliland waa himilo shacab magac websayd laga saarayna ma badali karo" ayuu yidhi Xogeeye Khadar.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay tahay dal leh xuduudo la yaqaano, iyo taariikh ka duwan ta Soomaaliya, "Somaliland waa dal leh halgan dheer oo uu xornimadiisa dib ugula soo noqonayay, waxan qiyaasayaa in anay taariikhda si fiican u dhuganin" ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in go'aanada dowlada Soomaaliya ay gobolka ka abuurayaan xasarad isla markaana ay dhalin doonto cadaawad iyo colaad, waxa uu dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay siyaasadaysay ganacsiga iyo socdaalka taasi oo uu sheegay in anay badali doonin go'anka Somaliland.

Waxa uu sheegay in dowladihii kala danbeeyay ee Soomaaliya ay cadaawad u muujiyeen Somaliland, isla markaana anay jirin cid ixtiraamaysa Somaliland hadii aan la helin ciidamo awood leh, iyo shacab midaysan.

Xukuumada iyo mucaaradka Somaliland ayaa kasoo horjeedsaday go'aan ay dowlada Soomaaliya ku amartay shirkadaha xawaaladuhu in ay magaca Somaliland ka saaraan mareegaha ay maamulaan.