8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2024
13,250 ruux oo Maanta u fariistay Imtixaanka Macalinimo ee Wasaaradda Waxbarashada
 

Axad, Agoosto, 25, 2024 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ka mid ah gobolada dalka looga fariistay Imtixaan laga qaadayay macalimiin cusub oo ka mid noqon doono Macalimiinta Qaranka.

13,250 qofood oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa u fariistay Imtixaanka oo uu maanta daahfuray Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir, waxaana tiradaan laga doonaya 3 kun oo kaliya.

newainsideWasiirka Waxbarashada dowladda Fedaraalka ayaa sheegay in tirada Maclimiinta ee soo codsaday Imtixaankaaan iney ahayd 26,540, hayeshe marki dib loo eegay ay soo gudbeen 13,250, kuwaas oo maanta u fadhiistay imtixaanka.

"Waxaan halkaanu ku daah furnay imtixaanka ay galayaan macallimiinta soo dalbaday shaqada macallinimo ee sanadkan 2024, tirada macallimiinta soo dalbatay waxay ahaayeen 26,540, markii dib loo eegay waxaa soo haray 13,250, waxay maanta 13 kaas kun imtixaanka ku galayaan 45 goobood oo ka tirsan dalkeenna Soomaaliya, 19 degmo oo dowlad goboleedyada ku yaallo iyo 14 goobood oo gobolka Banaadir ah ayay imtixaanadaas ku galayan” ayuu yiri Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir in Wasaarada dadaal dheer ay ku bixisay in si ay caddaalad u ku jirto kusoo dalbadaan shaqada macalinimo, islamarkaama dadkii ku haray kala reebista loo furay fursad cabasho oo dib loogu eegayay wixii qaldamay ah.

"Dhammaan dadka la reebay waxaa loo furay fursad ah cabasho, si waxa ay ka cabanayaan usoo gudbisadaan. Dadkii cabashadooda ay sax noqotay waxaa loo ogolaaday iney galaan imtixaanka” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Ugu dambeyntii Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa xusay in Macalimiinta ku soo baxa imtixaanka qoraalka ah ay mari doonaan mid kale oo afka ah, si tirada loo qorsheeyey in la qaato loogu soo koobo Macallimiinta, isagoona sheegay in muhiimad gaar ah la siin doona gabadhaha galay Imtixaanka.