8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2024
Qaraxyo xoogan oo lagu gubay Suuqyada ugu waa weyn deegaanka Ceelasha Biyaha
 

Axad, Agoosto, 25, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo xoogan oo Xalay lala beegsaday Suuqyo waa weyn oo ku yaala deegaanka Ceelasha Biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxyadaan oo sababay khasaare baaxad leh oo gaaray goobo ganacsi oo badan ayaa lala eegtay suuqyada lagu magacaabo Safa iyo Marwa oo ah suuqyada ganacsi ee ugu waa weyn deegaanka Ceelsha Biyaha.

Goobaha ganacsiga ee qaraxyadu lala eegtay ayaa intooda badan waxaa sii burburiyay dab xoogan oo qabsaday, taasoo keentay iney bas beelaan ganacsiyo badan.

Qaar ka mid ah ganacsatada goobahooda ganacsi lagu burburiyay qaraxyada ayaa sheegeen in Al-Shabaab ay toos u beegsatay goobahooda ganacsi, kadib markii ay u hoggaan sameen amar kasoo baxay dowladda oo ahaa in Caamirooyinka qarsoon ee CC TV ku xiraan goobahooda ganacsi.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka dowladda Fedaraalka ayaa ku sugan saaka suuqyada Xalay la qarxiyay, kuwaas oo wada baaritaano la xariira qaraxyada sababay khasaaraha dhaqaale.

Ugu dambeyntii qaraxyadaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan deegaanka Ceelasha Biyaha ay ka dhaceen weeraro loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kuwaas oo ku wajahna sida la sheegay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.