8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2024
Ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya oo isku diyaarinaya inay qeyb ka noqdaan howlgalka cusub ee AUSSOM
 

Axad, Agoosto, 25, 2024 (HOL) - Lt Gen. Kayanja Muhanga, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee dalka Uganda, ayaa booqasho ugu tagay Askarta Uganda ee ku sugan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Booqashadan oo ujeedadeedu ahayd qiimeeynta howlgallada iyo diyaargarowga ciidamada Uganda ee ka qeyb qaadanaya howlgalka cusub ee AUSSOM, ayaa lagu muujiyay dadaallada socda ee lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab.

Intii uu ku guda jiray booqashadiisa, Lt Gen. Muhanga wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay horumarka laga gaaray hoos u dhigista awoodda kooxda Alshabaab sida uu sheegay, wuxuuna kula dardaarmay taliyayaasha iyo ciidamada inay ka feejignaadaan kharaha kooxda Alshabaab.

Intii uu ku guda jiray booqashadiisa, Lt Gen. Muhanga waxa uu kulamo la yeeshay Taliyaha Ciidanka ATMIS Lt Gen. Sam Kavuma, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Maj Gen. Ibraahim Sheekh, iyo wakiillo ka socday Ciidanka Ilaalada Qaramada Midoobay.

Booqashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ciidamada ATMIS ay isku diyaarinayaan u gudbidda  howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo la qorsheeyay December 2024-ka, taasoo muujineysa in ciidamada Uganda ay howlgalkaas qeyb ka yihiin.

Uganda ayaa kamida ah waddamada ciidamada ugu badan ay ka joogaan gudaha Soomaaliya. Sannadkii tagay 2023, 54 askari ayaa Uganda looga dilay weerar ka dhacay magaalada Buulo Mareer.