8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2024
Somaliland: Koox hubaysan oo weerar ku qaaday magaalada Balligubadle
 

Axad, Agoosto, 25, 2024 (HOL) - koox hubaysan oo hore u sheegay in ay u dagaalamayaan urur siyaasadeedka Horseed ee Somaliland, ayaa saaka weerar arbushaad u badan ku qaaday magaalada Balligubadle.

Kooxdan oo kasoo horjeeda go'aankii lagu xaliyay khilaafkii siyaasadeed ee doorashooyinka, ayaa weerarka ku qaaday saldhiga booliiska ee Balligubadle, sida uu SKY Cable u sheegay Cabdiqaadir Xasan Cabdi oo kamid ah dadka deegaanku.

"Saldhiga markay ku dhawyihiin ayay is qaybiyeen, halkaas ayay ka bilaabeen rasaasta, booliiskuna way is difaaceen, markii xabadu woxogaa socotay ayaa gaadhi laga banjariyay, gaadhigii way ka tageen, nina waa laga dhaawacay" ayuu yidhi Cumar.

Waxa uu sheegay in markii ay xabadi woxogaa socotay ay shacabku kala dhexgaleen jabhada iyo booliiska, kadibna ay jabhadii dhinaca bari uga baxday magaalada, isla markaana, aan la ogayn meel ay ku suganyihiin hada.

Waxa uu sheegay in jabhadu anay u iman in ay dad laayaan, lakiin ay u ekaayeen in ay rabeen in ay sameeyaan arbushaad uun, isaga oo sheegay in dhamaan xabadihii ay rideen ay kor u ridayeen.

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed Cabdillaahi Dirawal, ayaan dhankiisa ayaa iska fogeeyay jabhada, isaga oo sheegay in anay ka suuroobin in uu taageero kacdoon hubaysan.