8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2024
Puntland oo beenisay eedeynta UNICEF ee ah in ay dil toogasho ah ku fulisay carruur aan qaan-gaarin
 

Axad, Agoosto, 25, 2024 (HOL) - Puntland ayaa si kulul u beenisay hadal dhawaan ka soo yeeray hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF oo ku aaddanaa in Puntland ay  toogtay carruurta aan qaan-gaarin.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa ku gacan seyray eedeymahaas, wuxuuna caddeeyay in dhammaan dadka la toogtay ay ahaayeen "Dad qaan-gaar ah oo lagu helay dambiyo."

Wuxuu xaqiijiyay in shaqsiyaadka la toogtay si taxadar leh loo baaray, islamarkaana lagu hayay xabsiga muddo dheer, waxaana la xaqiijiyay in dhamaantood ay ka weyn yihiin 30 sano.

"Dadweynaha waxaa loo xaqiijin karaa in midkoodna kuwa la toogtay aysan da'doodu ka yareyn 30 sano. Da'dooda iyo aqoonsigooda si taxadar leh ayaa loo xaqiijiyay si loo hubiyo inay qaangaar yihiin, waxayna si iskood ah u qirteen dambiyadooda,” ayuu yiri Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa carrabka ku adkeeyay in dilkooda loo maray habab sharci ah oo ay ku jiraan baaritaano dhab ah iyo tijaabooyin badan. Waxa uu sheegay in shaqsiyaadka la xukumay la siiyay muddo 3-sano ah si ay racfaan uga qaataan xukunka lagu riday.

Xukunka dilka ah ayaa dhacay 17-kii Agoosto, xilligaas oo toban nin oo dhalinyaro ah lagu dilay toogasho. Maxkamadda ayaa sheegtay in raggan ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, islamarkaana ay ku lug lahaayeen dilal ka dhacay magaalada Gaalkacyo.