8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2024
Somaliland oo sheegtay in ay la xisaabtamayso xawaaladii joojisa isticmaalka magaceeda
 

Sabti, Agoosto, 24, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland oo ka jawaabaysa amarkii dowlada Soomaaliya ee ahaa in xawaaladuhu ay laga bilaabo 1 September joojiyaan isticmaalka magaca 'Somaliland' ayaa sheegtay in shirkadii u hoggaansanta ay danbi ka galayso Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed 'Cali Mareexaan' ayaa sheegay in ay la xisaabtami doonaan cidii fulisa amarka dowlada Soomaaliya.

"Cida u hoggaansanta warqadii Villa Soomaaliya, ama meesha yar ee ay askartu ku wareegsanyihiin ee aan Dayniile gaadhi karin, cida waxa tixgalisa ee amarka fulisa Somaliland ayay danbi ka galeen, Somaliland-na way la xisaabtamaysa" ayuu yidhi Cali Mareexaan.

Waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay itaal keeda iskudayayso in ay waxyeelayso Somaliland, isla markaana ay amaro iyo waraaqo hada isticmaalayso, hadii ay awood ciidan lahaan lahaydna ay dagaal kusoo qaadi lahayd.

Waxa uu dowlada Soomaaliya ku tilmaamay mashruuc ay beesha caalamku uga dan leedahay la dagaalanka Al Shabaab, lakiin aan ahayn qaran madaxbannaan, isaga oo sheegay in caawimo shisheeye la'aanteed anay istaagi karin.

"Waxad arki doontaan maalin dhaw dowlado badan oo aqoonsiga yarna kala noqday, markay dhinacna waxba u dhaqaajin waayaan, waayo waxay awood ka dhigteen in ay dhul nabad ah, oo dowladi ka jirto  ay waxay hayeenba kula dagaalamaan" ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirku.

Waxa uu ku hanjabay in dhawaan la arki doono cida itaal roon dowlada Soomaaliya iyo Somaliland, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay ku taagantahay cago anay lahayn.