8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2024
Maxkamadda Sare ee dalka oo Maanta dhageysaneysa kiiska Sayid Cali Macalin Daa'uud
 

Sabti, Agoosto, 24, 2024 (HOL) - Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta oo Sabti ah dhageysaneysa cabashada ay u gudbiyeen qareenada difaacaya Sayid Cali Macalin Daa'uud oo lagu helay inuu gubay Xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Luul Sheekh Cabdicasiis bilowgii sanadkaan 2024.

Sayid Cali Macalin Daa'uud ayaa 6-dii bishii Marso ee sanadkaan Maxakamadda gobolka Banaadir ku riday xukun dil toogasho oo ah qisaasta marwadiisii Luul Sheekh Cabdicasiis.

Hayeshee Sayid Cali Macalin iyo qareenadda difaacayay ayaa racfaan ka qaatay xukunkaas oo ay sheegeen iney ku qanacsaneen, waxaana markale 15-kii bishii May ee sanadkaan lagu xukumay Sayid Cali dil toogasho ah.

Si kastaba ha ahaatee qareennada Sayid Cali oo aan hadana ku qancin xukunka labaad ayaa mar kale cabasho u aaday Maxkamadda Sare ee dalka, taasoo kiiskaan mudeysay in la dhageysto maanta oo ah sabti oo taariiqdu tahay 24-ka Agoosto 2024 si kiiskaan looga gaaro go’aan kama dambeys ah.

Shacabka Soomaaliyeed oo mudo ku siman sideed bilood si gaar ah isha ugu soo haayay  kiiskaanka xasaasiga ah ayaa maanta wada sugaya natiijada kama dambeysta ah ee kasoo bixi doonto kiiskaan horyaala Maxakamadda sare ee dalka.