8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2024
Koonfur Galbeed: Waxaan cod dheer ku sheegeynaa in ay bannaan tahay in lala dagaalamo, lana tirtiro kuwa isbaarada dhigta
 

Sabti, Agoosto, 24, 2024 (HOL) - Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay arrinta isbaarooyinka sharci darrada ah ee weli ka muuqda waddooyinka dalka, kuwaas oo khatar weyn ku haya horumarka, nabadda, iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri, “Waxaa nasiib darro ah in aan wali kusii aragno waddooyinka dalkeenna muhiimka u ah isbaarooyin sharci darro ah oo ay dhigtaan kooxo dano gaar ah leh. Tani waxay si toos khatar weyn ugu tahay horumarka, nabadda, iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.”

Wasaaradda ayaa tilmaamtay in isbaarooyinkan ay sababeen nabadgelyo-darro, hor-istaag dhaqaalaha, kala-fogaansho bulsho, kala shaki iyo amni darro baahsan.

Waxay sidoo kale xustay in ay xoojineyso taageerada ay siineyso xooggaga amniga ee ku howlan sifeynta isbaarooyinka, iyadoo horey u soo saartay go'aano cad oo looga soo horjeedo isbaarooyinka sharci darrada ah.

"Waxaan cod dheer ku sheegeynaa in ay banaan tahay in lala dagaalamo, lana tirtiro kuwa xadgudbay kana soo horjeedo nabadgalyada, habeen iyo maalinna u taagan dhibaateenta dadweynaha masaakiinta ee ku safra waddooyinka deegaanada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii ciidamada Koonfur Galbeed ay burburiyeen isbaarooyin sharci darro ah oo yaalay gobolka Shabeellada Hoose. Ciidamada Milatariga ayaa lagu eedeeyay inay hubkooda u isticmaalaan si ay ugu difaacaan isbaarooyinka yaala gobolkaas.