8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2024
Xukuumada Somaliland oo sheegtay in xisbiga Waddani uu Soomaaliya xidhiidh la leeyahay
 

Sabti, Agoosto, 24, 2024 (HOL) - Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland Cabdinaasir Buuni, ayaa xisbiga Waddani ku eedeeyay in anay ka dhab ahayn qadiyada Somaliland.

Buuni oo waraysi gaar ah siiyay HCTV, ayaa sheegay in hadalkii Raysal Wasaaraha Soomaaliya ee ahaa in uu rajo ka qabo in hoggaanka Somaliland is badalo, uu ula jeeday in Musharaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu xilka qabto.

Wasiirka oo ka soo hadalqaaday jawaabtii uu xalay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ka bixiyay hadalka raysal wasaaraha ayaa sheegay in jawaabta Xirsi anay ku filnanayn.

"Ninka uu raysal wasaaruhu la hadlayay waa ninka doorashada madaxtooyada u sharaxan, Waddan-ina xirsi maaha, ninka sharaxani waa Cabdiraxmaan Cirro, ninka wax laysla ogyahay waa Cabdiraxmaan, ninka midnimada ka shaqaynayaana waa Cabdiraxmaan" ayuu yidhi Buuni.

Waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay rajo wayn ka qabto  xisbiga Waddani, isaga oo sheegay in ay hayaan waraaq uu wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, uu Qadar u diray, taasi oo uu kaga codsaday in taageero maaliyadeed la siiyo xisbiga Waddani.

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa dhawaan sheegay in ay rajaynayaan in ay wada shaqayn la yeeshaan hadii hoggaan cusubi Somaliland qabsado, lakiin ma uu carabaabin xisbiga Waddani.

Intaa kadibna xukuumada iyo qaar kamid ah shacabka ayaa sheegay in raysal Wasaaruhu uu u jeeday xisbiga Waddani, eedaas oo uu xisbiga Waddani iska fogeeyay.