8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2024
Dowladda Fedaraalka oo soo saartay amar ku socda Xawaaladaha iyo Shirkadaha kale ee Ganacsiga
 

Sabti, Agoosto, 24, 2024 (HOL) - Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku socda Xawaadaha iyo shirkadaha kale ee ganacsiga oo la faray iney ilaaliyaan gobanimada iyo wadajirka Soomaaliya.

Amarkaan kasoo baxay Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa ku saabsan ineysan adeegsan karin Xwaadaladaha iyo Shirkadaha ganacsiga magaca Somaliland, islamarkaana ay isticmaalaan kaliya magaca Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa si gaar ah u carabaawday Xawaalada Dahabshiil, Galaxy Tranfer, Jubba Express iyo PaySii iyo kuwa la mid oo ku xusa  barahooda Internerka magaca Somaliland in kaliya ay adeegsadaan magaca Soomaaliya.

Ugu dambeyntii amarkaan kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga ayaa ku soo aaday, xili saacado ka hor shirkadaha duulimaadka Fly Dubai iyo Ethiopian Airlines ay hogaansameen amar kasoo baxay dowlada Soomaaliya oo ahaa in duulimaadyadooda Hargeysa ay u adeegsadaan Hargeysa Soomaaliya, halka markii hore ay adeegsan jireen Hargeysa Somaliland.

Hoos ka akhriso amarka kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha:-