8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2024
Raysal wasaare Xamse oo beeniyay inay dowladda Federaalku cuqabatayn kusoo rogtay Puntland
 

Sabti, Agoosto, 24, 2024 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa beeniyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay cunaqabateyn ku soo rogtay Maamulka Puntland.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in aysan jirin cunaqabateyn dowladdu sabab u tahay, balse wuxuu sheegay in madaxda Puntland ay hor istaagan yihiin in ay ku lug yeeshaan mashaariicda Federaalka.

Sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Xamse, Maamulka Puntland ayaa diiday in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dabagal ku sameyso sida loo fulinayo mashaariicda horumarineed ee Puntland.

Wuxuu ku eedeeyay madaxda Puntland inay caqabad ku yihiin wada shaqeynta hay’adaha heer gobol iyo heer federaal, isla markaana ay ka hortagayaan isla xisaabtanka mashaariicda caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo in ay dadka si fiican u gaaraan.

"Mamulka Puntland wuxuu marin habaabinayaa shacabkiisa, wuxuuna abuurayaa jahawareer si uu uga jeediyo arrimaha dhabta ah ee taagan," ayuu yiri Xamse Cabdi Barre. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in dadka reer Puntland loo ogolaado in loo fasaxo mashaariicda ay xaqa u leeyihiin

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo aadaya iyadoo uu jiro khilaaf u dhaxeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka, kaasi oo muujineya inuu yahay khilaafka sii xoogeysanaya oo saameyn ku yeelanaya dadaallada horumarineed ee dalka.