8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2024
Faysal Cali Waraabe: Waan arkayay in xisbiga Waddani uu yahay xisbi ka shaqaynaya midnimada
 

Sabti, Agoosto, 24, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa xisbiga Waddani ku eedeeyay in uu ka shaqaynayo midnimada Somaliland iyo Soomaaliya.

Guddoomiyaha oo warbaahinta kula hadlay Hargaysa, ayaa sheegay in xisbiga Waddani uu rabo dib u midaynta Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana uu kasoo horjeedo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

"Anuu intaa waan arkayay in xisbiga Waddani, uu yahay xisbi ka shaqaynaya wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyo sidii layskugu soo noqon lahaa, waxad arkaysa ciidamadeena ma hambalyaynayaan, MoU-ga way kasoo horjeedaan" ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu sheegay in Madaxwayne Biixi uu isna Hargaysa kasoo dajingaadhay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, intaa kadibna ay isaga iyo siyaasi Cabdiqaadir Jirde ka dagaalameen in aanu Farmaajo iman Somaliland.

Waxa kale oo uu sheegay in Muuse uu ogolaaday in Madaxweynaha Jabuuti oo uu sheegay in uu yahay cadawga Somaliland uu dhigo gogosha wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Waxa uu sheegay in Biixi uu aaminsanyahay Somaliland lakiin ay siyaasad xumo ka tahay isaga.

"Imikaanu idiin sheegaynaa Soomaaliya wax la yidhaa ma jirto, wadahadal danbe oo aanu la furaynaa ma jirto, go'aankeenu waa go'aan sharciyaysan ee dowlad la'aan ayaa ina heshay" ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Isaga oo si gaar ah ula hadlayay Raysal Wasaaraha Soomaaliya, ayuu sheegay in inta aanu Somaliland ka hadal loo bahanyahay in uu wax ka qabto nidaamka federaalisamka ah oo uu sheegay in uu burbur kuwado Soomaaliya.