8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2024
Maxkamadda Sare oo Xukun ku riday Walaalo ku eedeysnaa dilka guddomiyahii deegaanka Mareereey
 

Sabti, Agoosto, 24, 2024 (HOL) - Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday laba nin oo walaalo ah oo loo haystay dilka guddoomiyihii deegaanka Mareerey ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu magacaabi jiray Xuseen Xasan Mool gale.

Maxkamadda sare ayaa Daadir Cali Cismaan ku xukuntay dil toogasho ah oo ah qisaasta marxuumkii dhintay Xuseen Xasan Mool gale, waxaana sidoo kale Maxakamadu ay fasaxday oo dib xuriyadiisa ay u siisay Cabdullaahi Cali Cismaan.

Dilka guddoomiyahii deegaanka Mareerey ayaa dhacay 30-kii bishii Marso ee sanadkan 2024, wuxuuna ahaa dil si aargoosi ah loogu geystay guddoomiyaha oo la tilmaamay inuu horay u dilay nin ay walaalo ahayeen ninka isaga dilay.

kiiskan ayaa ahaa mid soo maray marxalado kala duwan, iyadoo Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada ay horay uga soo saartay xukun 30-kii bishiin June ee sanadkan, hayeeshee xukun saneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Ugu dambeynti Daadir Cali Cismaan ayaa horay Maxkamadda ciidamada qalabka sida uga hor cadeeyay inu gacantiisa ku dilay guddoomiyihii deegaanaka Mareerey, islamarkaana uu u dilay sababo la xiriirta inuu horay u dilay Walaalkiis, hayeshee dilkaas ayaa ahaa mid horay looga heshiiyay.